Soomaali - Somali

Scouterna ayaa u shaqeeya inay carruurta iyo dhalinyaradu xaq u leeyihiin qaadasho waqti fasax ee madaddaalo iyo macno leh. Xaggeena ayay carruurtu horumar sameynayaan iyagoona loo helayo jawi nabdoon oo la isku xiran yahay. Waxaan ballan qaadaynaa tacabur iyo saaxiibo. Scouterna waa urur madax bannaan, oo aan ka tirsaneyn diin ama urur siyaasadeed ama shirkad. Scouterna ayaa soo dhoweynaya cid kasta!

Himiladeenu waa ”Dhalinyaro adduunka hagaajisa”. Waxan si joogta ah uga shaqeynaa horumarinta shaqsiyadeed ee dhalinyarada. Scouterna ayaa hormarinaya carruurta iyo dhalinyarada si ay u helaan tusaale ahaan awood hoggaan, isbarasho, isku kalsooni iyo awood ay ku noqdaan xubno firfircoon oo ka tirsan koox. Halkan ayay carruurtu ku barataa ka mid noqoshada iyo dimuqraadiyadda. Halkan ayaa lagu barbaariyaa hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee bulshada iyo kuwa adduunka hagaajiya.

Scouterna waxay leeyihiin nidaam u gooni ah, oo loogu yeero scoutmetoden. Halkaa ayay carruurta iyo dhalinyaradu ku bartaan waxyaabo cusub iyagoo howsha faraha la galaya oo tijaabinaya iyagoo ka kooban koox yar, oo loogu yeero koox ilaalo. Scouterna ayaa doonaya in dhamaan carruurta iyo dhalinyarada oo dhami ka qeyb qaataan howshaa iyadoo loo eegayo waxa ay ka bixi karaan. Sidaa darteed waxaynu heynaa qalab iyo waxbarasho si uu hogaamiyuhu howsha u waafajiyo baahida kooxdu qabto.

Qiimeynteena ayaa ku saleysan sharciga Scouterna isla qeybna ka ah wax kasta oo aan sameyno.

Qiimeynteenu waa:

  • Waanu gubaneynaa: waxaan dooneynaa adduun wanaagsan. Scouterna ayaa u heelan caddaalada, deegaanka iyo aadanaha. Waxanu xil iska saarnaa halkan iyo adduunka kale intaba.
  • Bey’adda ayaa ka mida nolol maalmeedkeena: Scouterna ayaa abuura tartan bey’addu ay keento wada shaqeyn iyo xalal. Ma jiraan wax na hor istaagi kara. Waxannu ka shaqeynaa bey’adda iyo horumar waara.
  • Waxannu ku kulannaa dunida: Waan isbaranaa oo ka shaqeynaa nabadda. Scouterna ayaa ka jira dunida oo dhan. Waanu kala duwanahay haddana waxan nahay isku mid.
  • Waxannu leenahay qalbi wanaagsan. Dhammaan carruurta iyo dhalinyarada ayaanu ku jecelnahay sida ay yihiin. Waxan isu muujinaa tixgelin iyo qadarin. Waxan nahay saaxiib fiican!

Trygga möten

Kulamo ammaano ah

Carruurta oo dhan ayaa xaq u leh waqti firaaqo ammaano leh. Himilada Scouterna waa in dhammaan howlaha ay qabtaan ay noqdaan kuwo ammaano leh, oo huban kana madax bannaan xadgudub iyo meel ka dhac. Dhankeena, waxay hogaamiyeyaashu naga helaan taageero si ay u howl-galaan haddii ay wax dhacaan. Scouterna ayaa ka shaqeeya howlaha ka hortagga iyagoo qaata waxbarasho hogaamin u helana qalab carruurta iyo dhalinyarada. Waxanu siinaa kooxaha Scouterna iyo waalidka taageero iyo tala siin marki loo baahdo. Waxa khasab ku ah dhammaan hogaamiyeyaasha Scouterna inay ka qeyb qaataan kooraska kulamo ammaano ah. Sadaxdii sannaba mar ayay qasab ku tahay hogaamiyeyaasha Scouterna inay la yimaadaan caddeyn muujineysa inaanay danbi galin.

Waanu sii kordheynaa

Scouterna ayaa sii kordhaya oo imminkana gaaraya 75 000 xubin oo ka jira dalka oo dhan. Scouterna ayaa ka jira dunida oo dhan iyagoona gaaraya 50 milyan oo xubin kuwaasoo leh isku xir weyn oo caalami ah.

Waan ku soo dhoweyneynaa adigana!

Need translation?

Need more information in English or another language?

A lot of our webpages written in Swedish translates well with Google Translate. If you use Chrome as your web browser, you can easily translate the desired webpage with just a few clicks. Here´s how you do it:

  1. Open the webpage in Google Chrome
  2. Right click anywhere on the site
  3. Click on ”Translate to english/swedish/other language”
  4. A small tool window appears up in the right corner of your web browser
  5. Click on your desired language. If you cant see your desired language in the translation tool, click on the three small dots and choose another language
  6. Voilá! The page is now translated. If you're lucky, you might as well get some good laughs from some oddly translated word that might appear from Google.

If you still can´t find what you're looking for, please send us an e-mail at: info@scouterna.se and we will try to help you out.